HALITOSISI (AF_UR)


 HALITOSISI ( Af Ur) waa qaac ama neef ka soo baxa dadka qaba xaalad caafimaad daro ama Nadaafadooda aysan wanaagsaneyn; waana ur dhibaysa dadka kula jooga ama kaa ag dhaw.


CAUSES ( Sababta)

Af urka wuxuu yeelan karaa Sababo kala duwan ama wuxuu ku imaan karaa wajiyo badan.

Waxaanse u kala qaadaynaa dhawr qaybood oo badanaa sababa Af urka.

FG.


1:Poor Dental hygiene ( nadaafad xumo) ilkaha oo aan la nadaafin ama qofka oo aan ku dadaalin cadayga cunada ka dib.


2:Xerostomia (Af qalal ama candhuufta oo yaraata)  candhuufta waxa ku jira dhecaano (Enzymes) kuwaas oo loogu talo galay inay nadiifiyaan afka iyo carabka; sidaas darteed Afka oo qalala wuxuu samayn karaa Ur daran.


3: Infections in your mouth ( Caabuq afka ah  ) caabuqyada ku yimaada afka, ciridka ama Ilkaha ayaa ah mid ka mid sababaha keena af urka.


4: Other mouth, nose and throat conditions. (Xaalado kale sida afka, Hanqalaalka ama tuubada neefta oo caabuqyo qaba ama dhawaac soo gaadho) dhaawac ama caabuq ku yimaada afka, sanka iyo tuubada hawo mareenka.


5:Medication (Dawooyin) waxa jira sababo af urka keena oo la xiriira noocyo daawo ah oo si dadban u keena afka oo ura; dawooyinkaas oo sababa innuu afku qalalo ama ay yaraato candhuuftu taasina ay sababto af ur.


6: Smoking and Tobaco ( sigaar cabida iyo Tubaako cunista) dadka caba sigaarka iyo kuwa tubaakada cuna ayaa badanaa wajaha af ur dhib badan.


7: Onions and Garlic ( Basasha iyo Toonta ) ayaa ah kuwo sababi kara ur an la jeclaysan.


8:kissing (dhunkasho)  dhunkashada qof leh Af ur ama caabuq afka ah ka dibna aanad ku dadaalin nadaafada isla wakhtigaasi ayaa sababikarta inaad Yeelatid af ur.


9: Other Causes ( sababo kale) waxa jira xanuuno ku yimaada Organda gudaha sida; Kansarada qaar iyo xanhuno kale oo ku yimaada habdhiska dheefshiidka iyo gastriga.


@Furaha Nolasha 

Comments

Popular Posts